Saddex dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanka ay ka geysteen meel u dhow Muqdisho

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen gudaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika Arbacadii, milatariga Maraykanka waxay sheegeen in weerarku uu ka dhacay meel qiyaastii 40 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho Isniintii (27-dii Agoosto).

Ma jiraan wax dad rayid ah oo ku dhintay weerarka, war-saxaafadeedka ayaa lagu sii sheegay.

Weerarka ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Tan iyo bishii Agoosto ee sanadkan, milatariga Mareykanka waxay qaadeen saddex weerar, oo lagu dilay sagaal maleeshiyo ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*