Roobow oo la siiyay waraaqda aqoonsiga musharaxnimada maamul goboleedka Koonfur galbeed

Guddiga doorshada Koonfur Galbeed oo waraaqda aqoonsiga siinaya Roobow. [Isha Sawirka: Twitter]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa helay waraaqda aqoonsiga musharaxnimada ee maamul goboleedka Koonfur galbeed.

Ku xigeenkii hore ee ururka Al-Shabaab, Roobow ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee guddiga doorshada Koonfur Galbeed maanta oo Isniin ah ay siiyaan waraaqda aqoonsiga musharaxnimada madaxweynaha.

Roobow ayaa bishii Agoosto ee sanadkii 2017 iclaamiyay in uu ka baxay Al-Shabaab.

Bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, Wasaaradda Amniga e Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Mukhtaar Roobow uusan u tartami karin madaxtinimada Koonfur Galbeed sababtoo ah ma buuxin shuruudihii looga baahnaa in dhammaan laga qaado cunoqabatayntii saarnayd.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay dhacdo bartamaha bishaan, waxaana ku loolamaya musharixiin badan oo uu ku jiro hoggaamiyaha hadda jooga Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*