Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo sheegay in maslaxada Soomaaliya aysan ku jirin mowqifka ay dowladdu ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka Carabta

Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Garoowe-(Puntand Mirror) Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee idaacada Voa ayaa sheegay in maslaxada Soomaaliya aysan ku jirin mowqifka ay dowladdu ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka Carabta.

“Runtii waxay iila muuqataa in ummada Soomaaliyeed maslaxadeeda iyo dalkan Soomaaliyadeed maslaxadiisa aysan marna ku jirin meesha ay hadda xukuumadu booskeeda qaadatay ee dhexdhexaadinta ah, meeshaan runtii waxa is haya waa afar dowladood iyo hal dowlad oo yar, hadaan dhahno anaga yaan xiriir la lahayn ilaa lixdankii ilaa todobaatankii ilaa sideetankii iyo wixii ka dambeeyay wakhtiga hadda aan joogno runtii saddexda wadan oo Carab aan isugu dhownahay ama xiriir la leenahay hadday noqoto dowlad iyo haday noqoto buslahada Soomaaliyeed waxay ahaayeen Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masaarida,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

“Yacni runtii inaga maslaxadeenu waxay ku jirtay in aan Sucuudiga iyo Imaaraatka iyo Masaarida dhinacooda aan aadno, Qatar hadda anaga dowlad ahaan waligeed iyo alaheed waxaan umaleynayaa dowlad ahaan wax badan oo dowladda ay tartay ma jirin, waa jireen shakhsiyaad ay gacan qabatay iyo xarakooyin ay wax siisay laakiin dowlad Soomaaliyeed iyo dad Soomaaliyeed marna uma soo gurman sida saddexdan dal ay ugu soo gurmadeen, marka anaga horta waxay ahayd labada dhinac markaan fiirino dhinacaan ayaa maslaxadeena ku jirtay Soomaalida bulshadeeda iyo shacabkeeda iyo dowladnimada.” Ayuu ku sii daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa boos dhex-dhexaad ah iska taagtay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*