Raysulwasaaraha Soomaaliya oo magacaabay saddex wasiir

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah magacaabay saddex wasiir, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska raysulwasaaraha.

Saalax Axmed Jaamac oo horey u ahaa wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa loo magacaabay wasiirka dastuurka kadib markii wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil uu geeriyooday bishii lasoo dhaafay.

Sadiiq Warfaa oo ahaa xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka ayaa loo magacaabay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, Foowsiyo Maxamed Shiikh oo ahayd xildhibaanad katirsan golaha baarlamaanka ayaa loo magacaabay wasiirka tamarta iyo biyaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*