Raysulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo Garoowe yimid

Madaxweyne Cabdiweli oo garoonka kumeel gaarka ah Kanoonko ee kuyaala duleedka waqooyi Garoowe ku qaabilay RW DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Xuquuqda Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Madaxweyne Cabdiweli oo garoonka kumeel gaarka ah Kanoonko ee kuyaala duleedka waqooyi Garoowe ku qaabilay Raysulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Xuquuqda Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Garoowe (Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta oo Sabti ah yimid magaalada Garoowe ee caasimada dowlada Puntland.

Raysulwasaaraha iyo wefdigii la socday ayaa waxaa garoonka kumeel gaarka ah Kanooko ee kuyaala duleedka waqooyi Garoowe ku qaabilay madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale oo dowlada ah oo ay kamid ahaayeen madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Cumar Camay iyo guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.

Soo dhaweynta kadib, Madaxweyne Cabdiweli iyo Raysulwasaare Cumar ayaa kulan gaar ah ku qaatay gudaha garoonka Kanooko.

Kulanka gaarka ah kadib, labada masuul ayaa waxa ay la hadleen saxaafada maxaliga ah. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Raysulwasaaraha uu ku saabsanyahay ka qayb-qaadashada xal u helida dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa tilmaamay in dowlada Puntland ay diyaar u tahay wax walba oo wanaag lagu gaari karo laguna ilaalin karo deris wanaaga iyo walaaltinimada dadka reer Gaalkacyood.

Dhinaciisa Raysulwasaaraha, ayaa sheegay in uu magaalada Cadaado kulamo kula soo qaatay masuuliyiinta maamulka Galmudug ayna ka wada-hadleen sidii ay dhinacooda u joojin lahaayeen colaada Gaalkacyo.

Ugu dambayna, sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror, inta uu joogo Garoowe Raysulwasaare Sharmaake ayaa ka qaybgali doona cod u qaadida xubnaha aqalka sare ee Puntland u matali doona dowlada federaalka, kuwaasoo ka kooban 11-xubnood oo ay asbuucaan gudihiisa codka u qaadi doonaan baarlamaanka dowlada Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*