Dawladda Puntland waxaa la Aaasay sanadkii 1998, iyadoo ka Koobnayd 5 Gobol iyo Degmo oo kala ah (Mudug, Sool, Nugaal, Sanaag, Bari iyo Degmadda Buuhoodle, Haddana way 18 Sano Jidhsatay iyadoo ah wakhtigaan Dawlad ay u dhamaystiran yihiin Hay’adihii Dawliga ahaa, Ciidamo Qalabaysan oo kala Gedisan. Puntland waa Gobolka Labaad ee u Badbaaday Soomaaliya, Ayna usoo Barakaceen Kuna Negaadeen Kana Heleen Soo dhowayn iyo Wax wadaag Walaaltinimo iyo Soomaalinimo ku Jidhto Waloow Dadka Qaarkood Aanay ugu Hambayn Sidii Loogu Lisay. Puntland waa Gobol Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya aan waxbadan ka Faa’iidiin Marka Laga Reebo Dekadda Bosaaso oo aan dhamaystirnayn iyo Laamiga Dheer ee Garowe iyo Bosaaso isku Xidha, Burburkii Kadib Puntland Waxay Samaysay Horumar aad u Sareeya Dhinaca Dhaqaalaha, Dhismayaasha, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Ciidamada iyo Xidhiiidh Caalamiga ah Xag Siyaasadeed iyo Xag Ganacsiba.

Aan ku noqono Ciwaanka Qoraalkeen oo ah SHACAB HAGAAGSAN IYO HOGAAN LA’AAN (PUNTLAND).

Puntland waxaa Caan ka noqotay M/weyne Mar Xilka Qabtay inuusan Dib ugu soo Laaban Mar Labaad Xilkaas, Waxaa Tusaale Kuugu Filan, M/weyne C/Laahi Yusuf AUN 2001, M/weyne Maxamed Cabdi Xaashi 2005, M/weyne Maxamuud Muuse 2009, iyo M/weynihii ugu Dameeyay ee Doorasho isu soo taaga asagoo Xilka Dalka haya M/weyne C/Raxmaan Maxamed Faroole 2014. Hadaba Maxaa Sababa Arimahaan oo ay ugu dhacaan Madaxda Mar Walba Iyagoo u Weli U ooman Xilka Lagana Yaabo inay wax qaban lahaayeen haday soo noqdaan, Keliya wax kale Maahe waa Hogaan Xumo (Lack of Leadership) ay Sababtay M/weynayaashii Dalka soo Maray oo aan Kasban Rabitaanka Dadka ay Madaxda u yihiin, Shacabka hadaad waydiisidna Sababtuu usoo noqon waayay waxay kuugu Jawaabayaan Muxu kusoo noqdaa Xilka Wuxuu ugu soo noqon lahaaba Muusan Samayne, Ma Oraahdii ahayd baa “ HALAY DOORTO AAN DANAYSTOO IDIN DIBIN DAABYEEYE”.

Waxaa Xaqiiq ah Madaxweynihii leh Astaamahaan soo socda inuusan Waayeen Xilka Mar Labaad:

  1. Latashi uula Sameeyo Shacabka Intiisa Wanaagsan oo Waxgalka ah (Elite People).
  2. Rabitaanka iyo Kalsoonida Shacabka Kuna Salaysan Debecsanaan Siyaasadeed iyo u Xaqsoor Guud (Political Impartiality)
  • Qabyaalad la’aan ka Madax Banaan Hebel iyo Reer Hebel (Political Neutrality).
  1. Midaan Doonayn Dollar iyo Dantiisa ama Dankooxood iyo Mid Qabiil Toona u Doodayn ee Dadka Wada Metala. (Good leadership and Good Governance).

Hadaba aan Kala Qaadno Ladaba Qodob ee Qoraalkeenu ka Kooban yahay Mida 1aad ee ah Shacab Hagaagsan.

In Shacab ka Puntland Hagaagsan Yahay waxaa ku Tusinaysa Arimahaan Hoose:-

  1. Shacab Guri, Gaari iyo Ganacsiba si joogto ah Canshuurta uga Bixinaaya Canshuurtaas oo waxyaabihii loogu talagalay in loogu Bedelo Canshuurtay Bixiyeen marka laga tago waxyaabo yar yare e lagu Sifayn Kadho (Qawda Maqashii Waxna Haw Qaban), Dawlada ku Shaqaysa Meteshana Rabitaanka Shacabka waxay Canshuurtay Qaado Dib Ugu Bedeshaa inay Helaan.
    1. Waxbarasho Tayo Leh, Lana Siiyo Ahmiyada gaar ah (Waxaa Su’aal Madoonto ah Maanta in Soomaalidu Meel ay Joogtaba Maskixiyan U dilantay Waxbarashaday kaga Samato Bixilahaayeena aanay haysan).
    2. Caafimaad Tayo leh, loona Sameeyo Shuruuc aan la Dhaafin Kadhin (Waxaa Xaqiiqa ah Soomaalida inta ku Dhimata Shir Gaadhi ama Xabad iyo Qarax inay ka Badan tahay intay Daawadu Laysay).
    3. Amaan Laysku Halayn Kadho oo leh Laamo Amaan oo Tayo leh una Dhimriya Shacabkooda ee aan Dhibin, ogsoona inay Sharaf ku leeyihiin Shacabkaan Mushaharkay qaataana Canshuurtoodii tahay Dirayskay Qabaana Ayaga u Qabaan.
  2. Shacab Sheikh iyo Shariif, Yar iyo Wayn, Wiil iyo Oday, Islaan iyo Gabadh, Reer Miyi iyo Reer Magaal Midaysan Kuna Midaysan Siwalboo Dawladinimo iyo Xasilooni loo Heli Kadho Laakiin Waayay Dawladdii U Fududayn Lahayd Shuruucda Dawliga ah ee Dawladi Shacabkeeda ku Hagto Kaasoo ka Tarjumaaya Rabitaanka Shacabka.
  • Shacab Aan Cadaalad Loo Samayn Misana ku Qanacsan kuna Niyadsan Tixgelinaayana Maamulkoodaas, iyagoo Cuskanaaya Oraahdii Ahayd Dawlad Xumi Wuxuu dhaamaa Dawlad La’aan.
  1. Shacab Aan Rabitaankooda loo Tixgelinayn Bale Loogu Darayo Musuqmaasuq, Eex iyo Qabyaalad Misana ku Ilaawaaya Waxaas Yar Si adag baa loo soo Maray Dhismeheeda Yaysan Idinka Burburin.
  2. Shacab Khaladaadka iyo Dhibta ay Dawladdu Keento Xalinaaya, Halkii Dawladu ka Xalin Lahayd Khaladaadka Dadwaynaha Ama Ay wada Qaybsan Lahaayeen, tusaale: Askari Ka Tirsan Ciidanka Dawladda Milatari ama Booliis oo ku Hawl Jidha Hawlihiisa Ciidan Haduu Fal Gaysto falkaas Dawladdu Qaadi Mayse Waxaa Qaadaayaa Beeshiisii oo Laga Yaabo Halgalkaas uu Waday in Dhibaatooyin Kale Reerkiisa Kasoo Gaadheen. Iyadoo ay Ahayd Askari Dawladeed Wuxuu Gaysto iyo Wixii loo Gaystaba waxaa Damaanadeeda Qaada Dawlada uu ka Tirsan Yahay Laakiin Tani waa Mid Ka Duwan.
  3. Shacab Aan Gaarin, Welina Helin Ama Gaarin Natiijooyinkii ay Hiigsanayeen Wakhtigay Dhisanayeen Puntland, 1988, Welina u Ooman inay Arkaan Himilooyinkoodii oo u Rumooba Taasoo ay ugu Horaysa inay Arkaan M/weyne Ku Yimaada Cod Xor oo Xalaal ah (One Man One Vote) kaasoo Meesha Kasaaraysa Hebel iyo Reer Hebel.
  • Shacab Wakhti Walba Arkaaya Madaxda Dalka oo Jebinaysa Sharciga iyo Qaanuunka Dalka u Yaala Misana ugu Tanaasulaaya yaan Fawdo iyo Shido Bilaaban.
  • Shacab M/weyne ilaa Agaasime Kitaabkii Qur’aanka Kariim Maalin Walba Maraaya oo aan Fulinayn wuxuu ku Dhaartay Misana Uusan Qabanayn Kitaabkaase Laakiin Xaqiiqdu Tahay Inuu Maqan Yahay Ciduu Doono Ha Haleelee. NIN BAA WAXAA LAYIDHI WUXUU KU DHAARAN DHAARO BEEN AH ASAGOO LAGU DHAARIN KITAABKA QUR’AANKA OO AHAA MID BAALAL WAAWAYN MAALINKII DAME YAA WAXAA LAGU DHAARIYAY KITAAB BAALO YAR YAR, MUDO KADIBNA WUU XANUUNSADAY MARKAAS YUU DHAHAY “BAALLA YARE WAA ISOO KARAY”.

Aan soo Qaadan Eray 2aad ee Qoraalkeena oo ah HOGAAN LA’AAN.

In Puntland Hogaan la’aan Tahay waxaa ku Tusinaysa Dhacdooyinkaan Hoose:

  1. Laga soo bilaabo Aasaaskii Puntland 1988 Madaxdii Puntland ee Isaga Damaysay Xilalkaas Midkoodna Kumuusan Guulaysan inuu Kasbado Shacabkiisa, taasoo ku Tusinaysa Hogaan Xumidooda.
  2. Madax Danta Shacabkii Doortay ka Hormarinaaya Dantooda Shakhsiyadeed ama Kooxeed ku Hareeraysan ee Talada Dalka lawadaagta ayagoon Cidna Aqoon Cidnana Metelin ama Magacaaban, tusaale Inta Badan Madaxda Puntland Markay Go’aan Gaadhayso waxay marka Koowaad ka Eegaan Dantooda Gaarka ah Marka Labaadna Tan Shacab Waynaha ay Metelaan, Waloow Madaxdii Puntland aysu Dhantaay Go’aamadaan oo kale.
  • Madax aan ku Loolamin Xiliyada Doorashada Wanaag ay Falaan iyo Rabitaanka Shacabka Laakiin ololohooda ku Saleeya Jeebkooda, Qabiilkooda iyo Kan Cusub oo intaas u Dheertay Ballan Qaad Been ah oo aan Ololahaas Dhaafsiisnayn.
  1. Madax Ballan Qaadkoodu Badan Yahay Fulintooduna Yartahay, Mararka Qaarna aad Moodaysid Inaanba Madaxda Waxba Laga Qodhin oo Malagba Dulsaarayn, Madaxda Dunida waxaa Lagu Qiimeeyaa Oraahda ay ka Jeediyeen Wakhtiyadooda Ololaha Doorashada ay Jeediyaan Hadhowna Haday Xilka Qabtaan looga Fadhiyaa waxay Ballanqaadeen Laakiin Madaxdan Maba aha Kuwii Shalay Wax Ballanqaaday.
  2. Madax xilka aan u Qaban aad Dalkaaga iyo Dalkaaga wax u Qabatid Magacna ku Heshid ee Xilkaas u Qabta Sidee Lacag ku Heshaa oo Canshuurta Masaakiinta u Arursataa Hantina Uga Samaysataa, Canshuurtaas oo Meela Badanoo Ad-adag Lagasoo Aruriyay Sida in Canshuurtaas laga soo qaaday Islaan Haysata 10 Caruur ah oo aan Aabalahayn Misana oo si ay Noloshooda u Daboosha Xoogaa Yaanyo ah Meel La Fariisatay Qoraxdaas iyo Hanfigaas Dhacaaya.
  3. Madax Aan Metelin Kadhin Go’aan Sax ahna aan ka Qaadan Kadhin Go’aamada Ad-adag ee Masiirka Ummadu ku Tiirsan tahay, Go’aamadaas oo Keliya uu ka bixi kadho Hagaamiyaha Dhabta ah ee Haysta Kalsoonida Shacabkiisa lehna Khibrad iyo Karti Hogaamin.

Gaba-gabo iyo Gunaanad

Inta badan Wadamada Afrikaanka Waxaa Caado ka Noqotay in Madaxdeedu ay ku Sifoobaan Caadooyin Xun xun oo ay ka mid yihiin:

  1. Keligii Talisnimo
  2. Caburin shacab iyo Mid Saxaafadeed
  3. Musuqmaasuq mid Maamul iyo Mid Maaliyadeedba
  4. Eex iyo Qabyaalad ku Salaysan Isir iyo Koox isku Fikrad yihiin

Calaamadaah ay Badanaa ku Sifoobeen Afrikaanku ee aan Kusoo Xusnay kor waa kuwa Uusan lahayn Hogaayimayaha dhabta ah. Hadaba Maxay u Baahan tahay Puntland?

Hogaanka Puntland waxaa looga Baahan yahay inay layimaadaan:

  1. Hogaamiye Aragti Dheer Saadaalina Kadha Waxyaalaha Soo Socda iyo Waxay Sababi Kadhaan Go’aamada uu Gaadhaayo ee ku Salaysan Masiirka Ummadda uu Hogaamiyo (Negative and Positive Impact).
  2. Hogaamin sax ah oo ku Salaysan Rabitaanka Shacabka uu Hogaamiyo, Lehne Talo Wadaag Shacabka u Madaxda u Yahay. Kana Saadhi Kadha Xaalada Wadanku Ku Jidho (Mutual Consultation among the government and Society).
  3. Cadaalad iyo Sinaan ay u wada Siman yihiin Dhamaan Shacabka ay Madaxda u yihiin ayagoo aan loo eegayn Qof, Qoys, Qabiil iyo Siyaasad Kala duwanaan toona.
  4. Siyaasad Midaysa dhamaan Shacabka uu Hogaamiyo Muxaafad iyo Mucaaradba
  5. Dhawrida Kala Saraynta Sharciga iyo Qaanuunka Wadanka U degan iyo Kitaabkii u ku Dhaartay Wakhtigii Xilka Loo Dhaarinaayay.
  6. Madax aan Wadanka U imaan inay Lacag ka Arursadaan ee u Yimaada inay Wadanka Wax u Qabtaan Magacna ka Samaystaan.

W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Faarax (Jeer).

Waxaad kala xiriiri kartaa: cdage50@gmail.com

____________________________________________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up