Puntland: Safarka madaxweyne Deni ee Muqdisho “ma ahan safar shaqo iyo wadahadal” lala gelayo Dowladda Federaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay dhina taaganyihiin wadiiro kale oo Puntland ah. [Isha Sawirka: screenshot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in shirka u qorsheysan Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ee Muqdisho uu yahay oo keliya sidii uu ugu gogol xaari lahaa shirweyne wadatshi oo Soomaaliyeed oo ka dhici doona Garoowe.

“Waxaa jirtay in madaxweynuhu uu ku dhawaaqay ayna kasoo baxday golaha wasiiradda in madaxweynuhu uu safar ku mari doono caasumaadaha Dowladdaha Xubinta ka ah ah Dowladda Federaalka iyo caasimada Soomaaliya si loogu sameeyo gogol xaar shirka lagu baaqay in uu ku dhaco Garoowe,” Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sidaas ka sheegay shir jaraaid maanta oo Sabti ah.

Waxa uu ku daray: “Waxaan rabnaa in aan cadeyno safarka madaxweynuhu in uusan ahayn safar shaqo iyo wadahadal lala gelayo Dowladda Federaalka laakiin safarka madaxweynuhu waxaa weeye in uu u gogol xaaro gogosha fidsan ee ummada reer Puntland ay fidisay in madaxda Dowladdaha Xubinta ka ah ah Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladda Federaalka ay yimaadaan Garoowe.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*