Puntland oo ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya aaga degmada Towfiiq in ay si dhakhso ah u joojiyaan dagaalka

Sumada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya aaga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug in ay si dhakhso ah u joojiyaan dagaalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxtooyada habeenimadii Talaadada.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac xoog leh ka muujinaysaa colaada kasoo cusboonaatay aaga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug. Puntland iyadoo ka duulaysa ilaalinta nabada, xasiloonida, horumarka iyo wada dhalashada ummada Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxay ku baaqaysaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka, kaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac bulsho.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland ayaa intaas ku dartay in si bilaa shuruud ah oo aan gorgortan lahayn loo joojiyo dagaalka, wixii is-afgaran waa ahna lagu xaliyo wada-xaajood.

Sidoo kale Puntland ayaa uga digtay cid kasta oo qeyb ka qaadanaysa hurinta colaadaas.

In ka badan 15 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen kadib isku dhac labo maleeshiyo beeleed oo ka dhacay deegaankaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*