Puntland oo sheegatay masuuliyada weerar ka dhacay magaalada Laascaanood

Guddoomiyaha gobolka Sool Abuukar Cabdiraxmaan Geele [Isha Sawirka: screenshot]
Laascaanood-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada Somaliland ku leeyihiin magaalada Laascaanood, guddoomiyaha gobolka Sool Abuukar Cabdiraxmaan Geele ayaa warbaahinta u sheegay maanta oo Axad ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay gudaha magaalada Laacaanood saqdii dhexe ee xalay, isaga oo intaas ku daray in ciidamada weerarka geystay ay dad badan oo shacab ka sii daayeen labo xabsi oo kuyaala magaalada.

Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, sida uu sheegay Abuukar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*