Puntland oo koonfurta Soomaaliya dib ugu celisay in ka badan 30 tahriibayaal ah oo kusii jeeday Yeman

Puntland oo koonfurta Soomaaliya dib ugu celisay in ka badan 30 tahriibayaal ah oo kusii jeeday Yeman. [Sawirka: Puntland Mirror]
Puntland oo koonfurta Soomaaliya dib ugu celisay in ka badan 30 tahriibayaal ah oo kusii jeeday Yeman. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa dib ugu celisay in ka badan 30 qof koonfurta Soomaaliya, sida ilo-wareedyo u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, dadka dib loo ceshay ayaa waxaa qabtay haayadaha ammaanka Puntland iyaga oo saarnaa baabur kusii jeeday magaalo xeebeedka Boosaaso, si ay halkaas uga aadaan dhanka Yeman.

Kumanaan muhaajiriin ah oo ka yimid koonfurta Soomaaliya iyo dalka Itoobiya ayaa sanad walba isku daya in ay ka gudbaan Badda Cas balse kuwo badan baa ku dhinta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*