Milatariga Mareykanka oo sheegay in dagaalyahan katirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe

Maleeshiyo Al-Shabaab ah oo dhex lugeynaya magaalada Saakow. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ay fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Isniintii ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana lagu dilay hal dagaalyahan oo aktirsan Al-Shabaab, sida taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen war-saxaafadeed.

Ma jirto waxa dad rayid ah oo dhibbaato ka soo gaartay weerarkaas, war-saxaafadeedka AFRICOM ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*