Messi oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

lio (3)

 

Lionel Messi ayaa iclaamiyay inuu ka fariistay waajibaadka qaranka ee ciyaaraha caalamiga ah kadib markii gool ku laad uu khasaariyay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka America.

“Waxay igu tahay wax aan la aqbali kari, aniga kooxda qaranka waa iga dhamaatay, waan sameeyay wax walba oo aan awooday, waa ku dhaawacaysaa haddii aadan noqon horyaalka,” 29-jirkareer Argentina ayaa sidaa yiri kadib markii Chile ku garaacday koobka America.

Messi ayaa Barcelona kula guulaystay sided horyaal oo La liga ah iyo afar koob oo Champions league ah.

Laakiin waxa kaliya oo uu qarankiisa kula guulaystay waxay ahayd ciyaarihii Olympic ee 2008-dii.

lio (1)

Argentina ayaa 1-0 waxaa ku garaacay Germany ciyaartii finalka ahayd ee koobkii aduunka 2014-ka, labo sanno kahor inta aysan Chile ku garaacin rikoorayaal. Sidoo kale Messi waxa uu lumiyay Finalkii koobka America ee sanadkii 2007 oo Brazil ka qaatay.

“Waa afar final, waa isku dayay. Waxay ahayd waxa ugu badan oo aan raadiyay, laakiin ma helin, marka waxaan u malayn waa iska dhamaatay,” ayuu ku daray.

 

lio (6)

 

Messi ayaa soo galay qarankiisa Argentina sanadkii 2005-dii isagoo saftay 113 ciyaarood oo uu dalkiisa uu ciyaaray.Messi

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*