Mareykanka oo sheegay in ay duqeyn ku dileen 52 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah kuwaasoo weeraray saldhig ciidan

Sawiro laga soo qaaday goobta weerarka kadib ayaa lagu arkayaa gaari weyn oo gubtay oo ay ku hareeraysanyihiin maydad.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ay Sabtidii ka geysteen gudaha Soomaaliya ku dilay 52 dagaalyahan kuwaasoo subaxnimadii hore ee isla Sabtida weeraray saldhig ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Duqeynta ayaa lagu bartilmaameedsaday dagaalyahano katirsan Al-Shabaab kuwaasoo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, sida saraakiisha ciidamada Jubbaland ay u sheegeen wakaalada wararka Reuters.

Sawiro laga soo qaaday goobta weerarka kadib ayaa lagu arkayaa gaari weyn oo gubtay oo ay ku hareeraysanyihiin maydad.

Sawiro kale ayaa muujinaya gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa kaasoo aan qarxin oo lagu waday saldhiga Bar Sanguuni, kaasoo ay maleeshiyadu weerareen.

Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo khasaare kasoo gaaray duqeyntaas.

Al-Shabaab ayaa lumisay inta badan magaalooyinka Soomaaliya kadib markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya dibada uga saareen Muqdisho sanadkii 2011.

Balse weli dagaalkooda jabhadaynta ayaa jira.

Jimcadii, Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ciidamada Itoobiya ah meel 8 kiilomitir u jirta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Al-Shabaab waxay sheegtay in ay dileen in ka badan 57 dagaalyahan oo Itoobiyaan ah.

Wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya ayaa sheegtay in ay adeegsadeen diyaaradaha gaashaaman ayna si guul ah isaga caabiyeen weerarka lagu qaaday kolonyada.

Talaadadii, niman hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday huteel kuyaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay ku dileen 21 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*