Mareykanka oo liiska argagixisada ka saaray shirkada Al Barakaat

Shirkada ayaa liiska lagu daray sanadkii 2001 kadib weerarkii September 11 ee ka dhacay Mareykanka.

Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa liiska argagixisada ka saaray shirkada Al Barakaat, sida lagu sheegay bayaan Arbacadii ka soo baxay xafiiska khasnada Mareykanka.

Shirkada ayaa liiska lagu daray sanadkii 2001 kadib weerarkii September 11 ee ka dhacay Mareykanka.

Al Barakaat ayaa ah shirkada ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, taasoo leh xarumo ganacsi oo kala duwan oo ay kamidyihiin xawilaado iyo shirkadaha ugu waa-weyn isgaarsiinta Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*