Mareykanka oo jaray qeyb kamid ah caawimaada uu siin jiray cutubyo katirsan milatariga Soomaaliya

Sawirka: Cutub katirsan milatariga Soomaaliya.

Washington-(Puntland Mirror) Dowladda Mareykanka ayaa jartay qeyb kamid ah caawimaada ay siin jirtay cutubyo katirsan milatariga Soomaaliya kadib eedaymo maamul xumo iyo musuqmaasuq ah oo ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya, sida sargaal katirsan Waaxda Arrimaha Dibada uu u sheegay taleefishinka CNN shalay oo Khamiis ahayd.

Go’aanka ayaa imaanaya iyada oo Mareykanku uu kordhinayo ku lug lahaanshihisa la dagaalanka Al-Shabaab iyo ISIS oo lala beegsanayo duqaymo halka ku dhawaad 500 askari oo Mareykan ah ay la talin dhanka dagaalka dhulka ah siiyaan ciidamada Soomaaliya.

Warkan waxaa markii ugu horeysay qortay wakaalada wararka Reuters.

Sargaalka katirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa carabka ku adkeeyay in caawimaadu ay dib u bilaabmi doonto iyadoo ay dib-u-habeyn sameyn doonto dowladda Soomaaliya, sargaalka ayaa sheegay in uu garowsan yahay baahida loo qabo in wax laga beddelo sida dowladda Soomaaliya ay u maamushay caawimaada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*