Maleeshiyada Al-Shabaab oo ciidamada Galmudug kala wareegay magaalada Camaara ee gobolka Mudug

Maleeshiyada Al-Shabaab oo ciidamada Galmudug kala wareegay magaalada Camaara ee gobolka Mudug.[Xigashada Sawirka: Al Jazeera]
Maleeshiyada Al-Shabaab oo ciidamada Galmudug kala wareegay magaalada Camaara ee gobolka Mudug.[Xigashada Sawirka: Al Jazeera]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug kadib dagaal culus oo Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug maanta oo Talaado ah halkaas ku dhexmaray, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilo-wareedyo dadka deegaanka ah oo codsaday in aan magacooda la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in maleeshiyadu ay weerar culus ku soo qaadeen saldhigyada ciidamada millatariga ee Galmudug, kahor inta aysan si buuxda u la wareegin magaalada Camaara, oo kutaala koonfurta gobolka Mudug.

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in dagaalka uu ka dhashay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray labada dhinacba.

Camaara iyo tuulooyinka ku dhow ayaa ahaa goobo dagaal oo dagaal culus ku dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab intii lagu guda jiray asbuucyadii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, ciidamo huwan ah ayaa ku wajahan magaalo xeebeedka Xara-dheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay Al-Shabaab ku xoogantahay, ciidamada ayaa doonaya in ay halkaas kala wareegaan maleeshiyada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*