Madaxweyne Shariif Xasan: Waxaanu ka shaqayn doonaa horumarka

Shariif 2
Madaxweyne Shariif Xasan oo dhagax dhigaya wado laami ah. sawirka: Sonna.

Baydhabo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta oo Isniin ah dhagax-dhigay wado cusub oo laami ah, taasoo laga dhisi doono magaalada Baydhabo.

“Waxaanu dhagax dhignay jaamacad asbuucaan bilowgiisii, haddana waa wado laami ah oo Baydhabo dhexdeeda ah, waxaanu ka shaqayn doonaan horumarka,” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Dhismaha wadadan ayaa waxaa maalgelin doonta haayad Denmark ah.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa dhagax dhigay asbuucaan bilowgiisii jaamacad cusub oo laga dhisi doono magaalada Baydhabo taasoo ay dhisayso dowlada Talyaaniga.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*