Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo oo sheegay in ay ku taageersanyihiin Puntland soo celinta gobolka Sool

Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo Cabdule Maxamuud Cagalule oo shir jaraaid ku hayay Garoowe maanta oo Isniin ah. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo ayaa sheegay in ay ku taageersanyihiin Puntland soo celinta gobolka Sool.

Cabdule Maxamuud Cagalule oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe maanta oo Isniin ah ayaa sheegay in ay Puntland ku taageerayaan soo celinta gobolka Sool.

“Xaqiiqdii, waxay ku khasbantahay Puntland in ay ka qaado tilaabo kuna dagaalanto waa wajib sababtoo ah gobolka Sool waxaa laga qabsaday Puntland, Khaatumo markaas ma jirin, Puntland baa laga qabsaday, masuuliyad baana ka saaran,” ayuu yiri Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo Cagalule.

“Waxaanu ku garab taaganahay af iyo adin-ba Puntland sidii goboladaas loo xoreyn lahaa,” ayuu ku sii daray.

Waxa uu sheegay in Cali Khaliif Galeyr uusan hadda Khaatumo ka aheyn Madaxweyne isagoo sheegay in uu jabiyay dhammaan dastuurkii iyo nidaamkii ay lahayd Khaatumo.

“Dhammaanba dastuurkii iyo nidaamkii ay lahayd maamul goboleedka Khaatumo ee loo dhaarshay Cali Khaliif Galeyr waa uu jabiyay, “ waxa uu intaas ku daray  “kuma aanu jirin dastuurkayaga in lagu biiro kuwa ku soo duulay deegaanadayada.” 

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii ciidamo ka socda Somaliland ay la wareegeen Tukaraq.

Asbuucii lasoo dhaafay, dad badan ayaa ku geeriyooday dagaal ba’an oo ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland halkaas. Xaalada ayaa hadda degan balse dagaalka ayaa qarxi kara wakhti kasta.

Bayaan soo baxay Sabtidii, dowladdaPuntland ayaa ka codsatay shacabkeeda in ay u diyaargaroobaan dagaal wakhti dheer si ay u difaacdo dadkeeda iyo dhulkeeda.

Somaliland ayaa magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool gacanta ku heysay tan iyo 2007-dii.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*