Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Suudaan

Sawirka: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xaaskiisa markii uu ku socday Suudaan.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco u safray dalka Suudaan kadib markii uu casumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Suudaan.

Qoraal uu boggiisa Faceebok soo dhigay ayuu ku yiri: “Waxaan kusii jeedqa dalka Suudaan, oo aniga iyo wafdigeyga, ay nooga bilaabayso booqasho rasmi ah oo labo cisho ah.”

Inta uu joogo dalka Suudaan, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la yeelan doona dhiggiisa Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir si ay uga wadahadlaan xiriirka labada dal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*