Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay ka qeybgalay Shir Weynaha Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khubad ka jeedinaya Shir Weynaha Midowga Afrika ee Addis Ababa. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka qeybgalay Shir Weynaha Midowga Afrika maanta oo Axad ah.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay Shirka oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Aababa ee dalka Itoobiya, waxaana uu diirada ku saaray la dagaalanka musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa caddeeyey in sanadka 2018 uu yahay sanadkii ay Afrika ku guulaysan lahayd la dagaallanka musuqmaasuqa, waxa uu tusaale u soo qaatay sida Afrika hodonka u tahay iyo sida dadkeedu saboolka u yihiin, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in musuqmaasuqu sabab u yahay in horumar fiican laga sameyn waayo Afrika.

Dhanka Soomaaliya, Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso la dagaallanka musuqmaasuqa, wuxuu xusay Madaxweynuhu in ay sameeyeen sharciga la-dagaalanka musuqmaasuqa, adkeynta nidaamka maamulka maaliyadda dowladda iyo qaababka loo raacayo oo ay kamid tahay shaqaalaysiinta dadweynaha, taas oo u baahan isla xisaabtan iyo in loogu adeego danaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, sida haayada Transparency International ay warbixin sanadeedkeeda 2017 ku sheegtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*