Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Nairobi si uu uga qaybgalo shir-weynaha Afrika iyo Japan

Madaxweyne Xasan Shiikh
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka dagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Jimce ah gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya si uu uga qaybgalo shir-weynaha Afrika iyo dalka Japan.

Shirka oo ay kasoo qaybgalayaan hoggaamiyaasha wadamada qaarada Afrika iyo madaxda dalka Japan ayaa beri oo Sabti ah ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo socon doona muddo labo maalmood ah.

Shirka wadamada Afrika iyo dalka Japan ayaa soo bilaabmay sanadkii 1993-dii, shirkan oo ah kii lixaad ayaa markii ugu horeysay lagu qabanayaa gudaha qaarada Afrika iyadoo kuwii hore lagu qaban jiray caasimada dalka Japan ee Tokyo.

Japan ayaa ahaan jiray dalka ugu weyn ee xiriirka ganacsi la leh qaarada Afrika kahor inta uusan kala wareegin dalka Shiinaha.

Wadamada horumaray ayaa ku tartmaya xiriirka ganacsi ee qaarada khayraadka ka buuxo ee Afrika, wadanka Shiinaha ayaa hadda ah wadanka ugu weyn ee xiriirka ganacsi la leh qaarada Afrika.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*