Madaxweynaha Puntland: Turkigu wax shaqo ah oo muuqata kama qabtaan gudaha Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Turkigu uusan wax shaqo ah oo la tabaan karo ka qaban gobolada Puntland tan iyo markii uu yimid Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

“Turkigu in badan buu Soomaaliya joogaa ilaa 2011-kii wax shaqo ah oo muuqata oo la garan karo kama aysan qaban Puntland, deeqda ay siinayaan Soomaaliya deeq Soomaaliya oo dhan loogu talogalay weeye, deeq magaalo gaar ah iyo gobol gaar ah xaq u leeyahay maahan, mar walba oo ay timaado deeq waxbarasho oo dhanka ciidamada ahna mar walba waxay tagayeen waxay ahaayeen Xamar iyo agagaarkeeda iyo wax yar oo koonfurta ah sida gobolada Bay, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka, laakiin dhankan Puntland inaba ha la egaatee wax taageero dhanka tababarada ciidamada ah nama aysan siin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Runtii dowlad wanaag badan bay Soomaaliya u hayaan laakiin dee wax badan baa ka khaldan dalkii waa dal federal ah marka waxaa loo baahanyahay federaaliisimka sidiisa in loo hirgeliyo, Turkigu waa in ay fahmaan in dalku uusan mid dowladda dhexe oo keliya ay taliso.” Intaas ayuu ku daray.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa wadanka saddexaad oo hela mashaariicda horumarineed ee Turkiga tan iyo sanadkii 2012-kii.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*