Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday agaasimihii haayada waddooyinka Puntland ee PHA

dalab
Maxamed Cabdinuur Aadan, agaasimihii haayada waddooyinka Puntland (PHA). [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii haayada waddooyinka Puntland (PHA) Maxamed Cabdinuur Aadan, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxtooyada oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror.

Madaxweynaha ayaa si kumeel gaar ah agaasime ugu sii magacaabay agaasime ku xigeenkii PHA.

Xil ka qaadista ayaa imaanaysa iyadoo musuqmaasuq baahsan uu ka jiro dhismaha mashruuca wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Gaalkacyo, taasoo ay maalgeliyeen haayada Midowga Yurub.

About Puntland Mirror 839 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*