Madaxweynaha Puntland oo Saynab Ugaas Yaasiin u magacaabay wasiir ku xigeenka maaliyada

Saynab Ugaas Yaasiin. [Sawirka: SBC]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Saynab Ugaas Yaasiin u magacaabay wasiir ku xigeenka maaliyada, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxtooyada Puntland maanta oo Khamiis ah.

Saynab ayaa bedeli doonta wasiir ku xigeenkii hore ee maaliyada Cabdisalaam Bashiir kaasoo loo doortay duqa magaalada Boosaaso horaantii bishaan.

Waxay xilal kala duwan kasoo qabatay maamuladii hore ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*