Madaxweynaha Puntland oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagi doona Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagi doona magaalada Muqdisho dhawaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Go’aankan ayaa la isla qaatay kadib kulan ka dhacay Garoowe maanta oo Khamiis ah oo golaha wasiirada Puntland yeesheen.

“Waxa uu goluhu isku raacay in Madaxweynaha iyo wefdi uu hoggaaminayo ay tagaan caasimada Muqdisho iyo magaalo madaxyada Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay ugu gogol xaaraan in uu qabsoomo shirka ay Puntland gogoshiisa dhigtay iyo in dhammaan madaxda Soomaaliyeed ay kasoo qeybgalaan shirkaas si xal loogu helo khilaafyada siyaasadeed ee u dhaxeeya Federaalka iyo Xubnaha ka ah.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Madaxweyne Deni oo xukunka Puntland qabtay bishii Janaayo 2019, ayaan weli tagin Muqdisho, caasimada Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*