Madaxweynaha Puntland oo isku shaandhayn yar ku sameeyay golaha wasiiradda

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah isku shaandayn yar ku sameeyay golaha wasiiradda soo socda:

Liiska ayaa u qornaa sidaan:

  1. Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasaaradda Warfaafinta.
  2. Cabdikhadar Faarax Shaaciye, Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
  3. Maxamuud Faarax Beeldaaje, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
  4. Yaasiin Cabdi Seed, Wasiir Dowlaha Wasaardada Waxbarashada.
  5. Cabdirashiid Cali Geele, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga
  6. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
  7. Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
  8. Aamina Maxamed Cabdulaahi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  9. Cabdiweli Maxamed Yuusuf, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.

Sida ku qoran liiska cusub ee wasiiradda, keliya hal wasaarad oo cusub ayaa kusoo biirtay dowladda, taasina waa Wasaaradda Dib u Dhiska iyo Horumarinta Puntland.

Tani waa isku shaandhayntii labaad oo uu Madaxweynuhu sameeyo tan iyo markii uu xilka qabtay bishii Janaayo sanadkii 2014-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*