Madaxweynaha Jabuuti oo madaxweynaha Puntland ku soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada

Madaxweynaha Jabuuti oo madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Puntland. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Jabuuti-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa madaxweynaha Puntland ku soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaai Deni iyo Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wadahadlay xaalada guud ee Soomaaliya, iyo xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Puntland iyo Jabuuti ee dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland.

Talaadadii, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu xafiiska qabtay Janaayo 2019 ku tagay dalka Jabuuti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*