Madaxweynaha dowladda Puntland oo Garoowe ku soo noqday kadib safar shaqo ee dalka Itoobiya

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadlaya aqalka madaxtooyada manta. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa manta oo Jimce ah dib ugu soo noqday caasimada Puntland ee Garoowe kadib dhowr maalmood oo uu safar shaqo ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo dad shacab ah.

Cabdiweli oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in uu Itoobiya kula soo kulmay masuuliyiinta sare ee dalkaas ayna ka wadahadleen arrimo ay kamid ahayeen fududaynta isu socodka shacabka labada dhinac, ganacsiga iyo adkaynta ammaanka xuduuddaha Puntland iyo Itoobiya, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dhammaan arrimaha laga wadahadlay ay guul kusoo dhammaadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*