Madaxweynaha dowlada Puntland oo salaada Ciidul Fidriga ku oogay garoonka kubada cagta Cawaale ee Gaalkacyo

img
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Arbaco ah dadweynaha magaalada Gaalkacyo kala qaybgalay salaada Ciidul Fidriga oo lagu oogay garoonka kubada cagta ee Cawaale.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul Fidriga.

“Ciid wanaagsan, ciid wanaagsan, ciid wanaagsan, waxaan rabaa anigoo ka faa’iidaysanaya fadliga maalintan barakaysan ee ciidda in aan tahniyadda ciidda u diro shacabka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeedba oo iraahdo ciid wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.

“Ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu ciiddan ciideeeda kale inagu gaarsiiyo nabad-gelyo, wadajir iyo midnimo” ayuu ku daray.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shacabka Puntland meel walba oo uu joogo ugu baaqay in ay adkaystaan amnigooda iyagoo la shaqaynaya laamaha kala duwan ee ammaanka.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa shacab weynaha kunool caasimada Puntland, Garoowe kala qaybgalay salaada Ciidul Fidriga oo lagu tukaday garoonka kubada cagta Mire Aawaare.

Ugu dambayna dhamaan gobolada Puntland ayaa si nabad ah looga ciiday kadib 30 beri oo ay dadka soomanaaayeen

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*