Madaxweynaha dowlada Puntland oo gaaray Muqdisho si uu uga qaybgalo shirka madasha qaran

IMG_2779
Madaxweynaha Puntland oo salaamaya masuuliyiinta dowlada federaalka ee garoonka kusoo dhaweeyay. Sawirka: xafiiska warbaahinta madaxtooyada.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Talaado ah gaaray caasimada Soomaaliya, Muqdisho, si uu uga qaybgalo shirka hoggaamiyaasha siyaasada ee Soomaaliya.

Masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo ay kamidyihiin wasiirka cadaalada Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir) iyo wasiirka waxbarashada Cabdiqaadir Cabdi Xaashi ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Shirka madasha qaran ayaa beri oo Arbaco ah la filayaa inuu ka furmo Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgali doonaan madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana looga hadlayaa wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka dalka, iyadoo la filayo in doorashada ay dib u dhacdo ilaa iyo bisha December ee sanadkan 2016.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*