Madaxweynaha dowlada Puntland oo 97 maxbuus cafiyay ciida Fidriga awgeed

Xarunta guud ee ciidamada asluubta dowlada Puntland. Sawirka: Puntland Mirror.

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Digreeto uu soo saaray Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali maanta oo Sabti ah ayuu cafis ugu fidiyay tiro maxaabiis ah ciida Fidriga awgeed.

Sida lagu sheegay digreetada madaxtooyada, Madaxweynaha ayaa cafis u fidiyay 97 maxbuus oo ku eedaysnaa dambiyo fudud.

Saamaxaadan ayaa imaanaysa kahor damaashaadka Ciida iyadoo maxaabiista ay qoysaskoodii dib ula midoobi doonaan.

Madaxweynayaasha Puntland ayay dhaqan u ahayd cafinta maxaabiista xilliyada maalmaha qaranka iyo kuwa diiniga ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*