Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh oo qaadacay natiijadii doorashada madaxweynaha

Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh. [Sawirka: Reuters]
Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh. [Sawirka: Reuters]
Banjul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa sheegay in uu qaadacay natiijada kasoo baxday doorashada asbuucii lasoo dhaafay, dhowr maalin kadib markii uu si rasmi ah u aqbalay in looga adkaaday doorashada.

Hadalka cusub oo uu iclaamiyay ayuu ka sheegay taleefishinka dowladda shalay oo Jimce ahayd.

Yahya Jammeh ayaa asbuuc kahor ka qirtay taleefishinka dowladda in looga adkaaday doorashada.

“Kadib baaritaan buuxa, waxaan go’aan ku gaaray in aan diido natiijadii doorashadii dhawaan.” Ayuu yiri Jammeh.

“Waxaan amrayaa doorasho cusub oo xaq ah.” Ayuu ku daray madaxweynuhu.

Go’aanka cusub oo uu qaatay Yahya Jammeh ayaa caqabad lama filaan ah ku ah Adama Barrow oo ku guuleystay doorashadii dhawaan dhacday.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*