Madaxweynaha cusub ee Puntland oo joojiyay canshuur dhaafkii iyo canshuur dhimistii

Madaxweynaha cusub ee Puntland Sciid Cabdullaahi Deni. [Isha Sawirka: Facebook/denimedia]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyay canshuur dhaafkii iyo canshuur dhimistii.

Madaxweyne Deni ayaa joojiyay canshuur dhaafkii iyo canshuur dhimistii loo sameyn jiray haayadaha dowladda, haayadaha caalamiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxweynaha maanta oo Axad ah.

Go’aankan ayaa imaanaya maalin kadib markii madaxweynuhu kulan la yeeshay saraakiisha Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Waa digreetadii labaad oo ku saabsan arrimaha maaliyada oo uu soo saaro tan iyo maarkii la doortay Siciid Cabdullaahi Deni 8-dii Janaayo. Saacado yar kadib maalintii la doortay ayuu soo saaray digreetadiisii kowaad taasoo faraysa in dhammaan akoomada dowladda ee bankiga dhexe iyo bankiyada gaarka loo leeyahay aan wax lacag ah laga saari karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*