Madaafiic ku dhacay meel u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho

Sawirka: Irida hore ee madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia).

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex madfac  ayaa ku dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Muqdisho.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas ilaa iyo hadda.

Ciidanka ammaanka ayaa gudaha Muqdisho ka bilaabay howlgalo nabadgelyo.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas madaafiicda ah, balse maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro kan lamid ah qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*