Labo caruur ah oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

Labo caruur ah oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo caruur ah ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho saakay oo Arbaco ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Gaari ayaa jiiray labada caruurta ah oo ka tallaabayay waddo kutaala degmada Waaberi ee Muqdisho.

Labo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka.

Labada caruur oo da’dooda lagu qiyaasay 8 ilaa 13 jir ayaa ahaa walaalo, sida qof dadka deegaanka katirsan uu sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Sababta keentay shilka ayaa la baarayaa, sida ay sheegeen ciidanka booliisku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*