Kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo heshiis ka gaaray arrimaha dhismaha Galmudug

Shiikh Shaakir, madaxa Ahlu Sunna Waljama. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis ka gaaray arrimaha dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Heshiis ayaa dhigaya in 20 xildhibaan kooxda Ahlu Sunna laga siiyo 89 xubnood ee golaha baarlamaanka soo socda ee Galmudug, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta oo Khamiis ah ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo sanadkii u dambeeyay uu khilaaf xoogan ka dhantaalay maaamul goboleedka Galmudug, taasoo ay sababeen khilaafyo gudaheeda ah iyo farogelin weyn oo kaga timid dowladda dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*