Kiiskii labaad ee fayruska coronavirus oo laga helay Soomaaliya

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abubakar. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kiiskii labaad ee fayruska coronavirus ayaa laga helay Soomaaliya, taasoo tirada ka dhigaysa labo kiis gudaha Soomaaliya, Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abubakar ayaa sidaa sheegtay maanta oo Khamiis ah.

Sida ay wasiiraddu sheegtay, qofka xanuunka laga helay oo ah muwaadin Soomaali ayaa dhawaan kasoo laabtay dalka Talyaaniga, oo ah dalka ugu daran oo fayruska coronavirus uu ku dhuftay.

16-kii bishaan Maarso ayaa kiiskii ugu horeeyay oo Covid-19 laga helay gudaha Soomaaliya. Dhammaan duulimaadyada dalka dibadiisa ka imaanaya ayaa la xanibay si looga hortago xanuunka Coronavirus, sidoo kale goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha kala duwan ayaa la fasaxay muddo 14 beri ah.

Covid-19 ayaa caalamka ku noqday musiibada qarniga. Xanuunka oo ka bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa gaaray in ka badan 190 dal oo dunida, waxaana uu saameyn weyn u geystay dhaqaalaha adduunka.

Ku dhawaad 20,000 qof ayaa u dhintay xanuunka adduunka oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*