ISIS oo sheegatay masuuliyada dilka askari katirsan ilaalada madaxtooyada Puntland oo ka dhacay Boosaaso

Dagaalyanahada Al-Shabaab oo ku dhuumanaya meel kutaala Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) ISIS ayaa sheegatay masuuliyada dilka askari katirsan ciidamada Puntland maanta oo isniin ah gudaha magaalada Boosaaso, wakaalada wararka ISIS ee Acmaaq ayaa sheegtay galabta oo Isniin ah.

Hal askari oo katirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Jaamac Hurfe ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay weerarka ka dhacay Boosaaso, sida ilo-wareed katirsan haayadaha ammaanka uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Jaamac Hurfe. [Xigashada Sawirka: Madaxtooyada Puntland]
Weerarka ayaa imaanaya iyada oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu ku suganyahay magaalada Boosaaso.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in la xiray dad badan oo laga shaki qabo in ay xiriir la leeyihiin weerarka ka dhanka ahaa askarta.

Maleeshiyada ISIS ayaa kacdoonkeeda gudaha Puntland bilowday dabayaaqadii sanadkii 2015-kii kadib markii ay ka goosatay garabka Al-Shabaab ee ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*