Hoggaamiyaasha Soomaaliya iyo Eriteeriya oo isku afgartay in dib loo cesho xiriirka diblomaasiyadeed

Hoggaamiyaha Eriteeriya Isaias Afwerki oo Asmara ku soo dhaweynaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Asmara-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaasha Soomaaliya iyo Eriteeriya ayaa isku afgartay Sabtidii in ay soo celiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ayna safaarado ka kala furtaan caasumadahooda.

Go’aanka ayaa la gaaray kadib markii Sabtidii ay kulan ku yeesheen Asmara, Eriteeriya, halkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tagay safar taariikhi ah oo muddo saddex beri qaadan doona.

Labada dal ayaan lahayn xiriir diblomaasiyadeed ku dhawaad 15 sanno.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadlay ammaanka gobolka iyo xiriirka ka dhexjira wadamada kuyaala Geeska Afrika.

Sida ay wararku sheegayaan, wadahadalada u dhaxeeya Farmaajo iyo dhiggiisa Eriteeriya Isaias Afwerki ayaa sii socon doona ilaa maanta oo Axad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*