Hal askari oo katirsan ciidamada Puntland oo ku dhintay weerar ay ISIS ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala gobolka Bari

Maleeshiyada ISIS ayaa ku dhuumanaya gobolka Bari. [Sawirka: Furat]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Hal askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay weerar ka dhacay tuulada Canjeel ee gobolka Bari xalay, oo ay qaaday maleeshiyada ISIS.

Fowsi Xasan Ismaaciil, oo ah taliyaha ciidamada Puntland katirsan ee weerarka lagu qaaday, ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyada ISIS ay saddex jiho kasoo weerareen saldhiga ciidamada balse si buuxda ay isaga daafaceen.

Saddex qof oo shacab ah oo labo kamid ah ay yihiin dumar ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida uu sheegay taliyuhu.

Maleeshiyadii ciidamada soo weerartay ayaa dhaawac kasoo gaaray weerarka, Fowsi Xasan Ismaaciil ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*