Haayada Care International oo xirtay wado muhiim ah oo kutaala magaalada Garoowe

Gaari Care leedahay oo la dhigay irida hore ee xafiiskeeda, halkaas oo ay ka xirtay wadada. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada Care International ayaa xirtay wado istiraatiiji ah oo isku xirta magaalada hoose ee Garoowe iyo haayado muhiim ah oo ay kamidyihiin Isbitaalka Guud ee Garoowe, Jaamacada PSU iyo Dusgisa Sare ee Gambool.

Ma cadda sababta ay haayadu u xiraty wadada, balse wararka ayaa sheegaya in cabashadoodu ay la xiriirto walaac ammaan.

Wadada ayaa sidoo kale muhiim u ah xaafadaha ku dhow aaga xafiiska Care, halkaas oo ay ka xirtay wadada.

Care oo dhagaxuun waa-weyn ku xirtay wadada. [Sawirka: Puntland Mirror]

Dadka deegaanka iyo dhammaan kuwa kale ee adeegsada wadada ayaa ka carooday xiritaanka.

Qof dadka deegaanka ah oo magaciisa qariyay ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in wadadu ay halbowle u tahay aaga, falka ay haayada Care ku kacdayna uu sababayo in darawalada ay maraan meelo khaldan si ay ku gaaraan halkii ay ku socdeen.

Dadka deegaanka ayaa cabasho u gudbiyay Dowladda Hoose ee Garoowe, iyadoo Duqa Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir uu dalbaday in si dhaqso ah loo furo wadada, sida ilo-wareedyo ku dhow isaga ay u sheegeen Puntland Mirror, iyaga oo intaas ku daray in masuuliyiinta haayada Care ay weli iska dhaga tirayaan in ay aqbalaan dalabka Duqa Garoowe  si loo furo wadada.

Mid kamid ah ardayda Dugsiga Sare ee Gambool ayaa Puntland Mirror u sheegay in xiritaanka wadada ay iyaga ku keentay dhibaatooyin.

“Tani waxay anaga nagu keentay dhibaatooyin waa-weyn,” ayuu yiri ardaygu.

“Waxaanu si dhab ah u rabnaa in la furo wadada.” Intaas ayuu ardaygu kusii daray.

Si kastoo ay ahaataba, waa mid iska cad in wadadu ay muhiimad u leedahay magaalada oo dhan maxaa yeelay wadada ayaa la adeegsadaa marka lagu jiro xilli roobaadyada, kadib marka ay biyaha roobku ku dhacaan toga galbeed ee magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*