Haayada caalamiga ah ee haajiraada IOM oo dalbatay $24.6 milyan si ay u quudiso boqolaal kamid ah dadka ay abaartu saamaysay ee gudaha Soomaaliya

Haayada caalamiga ah ee haajiraada IOM oo dalbatay $24.6 milyan si ay u quudiso boqolaal kamid ah dadka ay abaartu saamaysay ee gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Haayada caalamiga ah ee haajiraada IOM oo dalbatay $24.6 milyan si ay u quudiso boqolaal kamid ah dadka ay abaartu saamaysay ee gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Nairobi-(Puntland Mirror) Haayada caalamiga ah ee haajiraada (IOM) ayaa dalbanaysa $24.6 milyan si ay u quudiso samatabixinta boqolaal ka mid ah kumanaanka ugu daran ee dhibanayaasha abaarta Soomaaliya. Intooda badana ay hadda khatar ugu jiraan macaluul.

Warbixinada haayadaha gargaarka ayaa walaac ka muujinaya in Soomaaliya ay ku dhici karto abaartii ku dhufatay sanadkii 2011-kii, taasoo dishay kumanaan dad ah.

IOM ayaa ka digtay abaartan daran ee jirta in ay tiro badan oo dad ah khatar dhigi karto. Afhayeenada IOM Olivia Headon ayaa sheegtay in loo baahanyahay in la kordhiyo gargaarka insaanimo si looga hortago in macaluul ay ka dhacdo meelaha qaar.

“Mushahaaraadkii waa burburay, qiimaha cunada maxaliga ah waa siyaaday, dhimashada xooluhu waa kordhay, heerka nafaqo daro waxa uu bilaabay in uu kor u kaco, qiimaha biyaha siyaaday dadka Soomaalida ee guuraya ayaa kordhay si ay u raadsadaan cuno iyo biyo. Caawimaad la’aan, dad badan ayaa wajahaya nafaqo daro, waxayna khatar ugu jiraan dhimasho.” Ayay tiri Olivia Headon.

Dalabka IOM ayaa bartilmaameedsanaya in ka badan hal milyan oo kamid ah 6.2 milyan oo dad ah oo ay saamaysay abaarta Soomaaliya oo u baahan caawimaad ilaa iyo bisha June, sida ay sheegtay afhayeenka IOM.

Headon, ayaa intaas ku dartay in ay muhiimada siin doonaan baahiyaha cunada, biyaha, nadaafada, caafimaadka iyo nafaqada, iyo hoyga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*