GUDDOOMIYEYAAL AAN U QALMIN CAASIMADDA NABADDA

Xarunta dowladda hoose ee Garoowe. [Sawirka: Abdi Omar Bile/Puntland Mirror]
4-tii Abriil 2018 waxaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu digreeto ku kala diray golihii deegaanka degmada Garoowe, isaga oo u cuskaday isqabqabsi ka dhex jira golaha deegaanka. Inkastoo aysan bulshada reer Puntland la dhacsanayn habka loo kala diro golayaasha deegaanka, haddana waxaa la isku raacsan yahay in horumarka degmooyinka Puntland ay  caqabad ku yihiin wada shaqayn la’aanta iyo isqabqabsiga ku yimaada xubnaha golaha deegaanka oo uu hogaamiye u yahay Duqa degmaddu.

Baaritaan uu sameeyey Puntland Mirror waxaa lagu ogaadey in shacabka reer Garoowe badankood ay qabaan in magaalada Garoowe ay soo mareen duqey isku darsaday tayo xumo, hogaan xumo, karti iyo aqoon yari oo aan lahayn aragti iyo qorshe horumarineed, oo lagu eedeeyo musuqmaasuq iyo in aysan waxba ka qaban balanqaadyadii ay sameeyeen iyo  shaqooyinkoodii asaasiga ahaa sida ammaanka, nadaafada magaalada, maamulka dhulka iyo asaaska waaxyaha muhiimka ah sida waaxda dab-demiska magaalada.

Injineer Maxamuud Faarax Beereed, waa injineer degan Garoowe, waxa uu sheegay in duqeydii hore ay ka gaabiyeen baahiyo muhiim ah. “Runtii duqeydii hore waxyaalaha ay ka gaabiyeen aad ayey u badan yihiin waxaana ka mid ah in magaalada la nadiifiyo oo laga guro qashinka si loo soo saaro bilicda magaalada ,” ayuu u sheegay Puntland Mirror. Wuxuu ku daray “magaalada looma samayn qorshaha istiraatijiyadeed ee fog oo sax ah, waxaadna moodaa in mashaariicdii horumarineed ee ay magaaladu heshay aan si fiican loo maamulin, loogana faa’iideysan”.

Qashinka la dugsanayo

Buur qashin ah oo yaala meel kutala magaalada Garoowe. [Xuquuqda Sawirka: Waxaanu ka helnay ilo kale]
Puntland Mirror wuxuu sannadkii 2017 ka diyaariyey warbixin dheer oo ku saabsan nadaafad xumadda ka jirta guud ahaan Puntland, iyo haliska caafimad iyo deegaan ee ka dhalan kara qashinkaas iyo maadooyinka kale ee wasakhda iyo sunta ah.

Garoowe waxaa buux dhaafiyey qashin qalalan iyo mid dareera ah sida olyada gaadiidka iyo Bulaacadaha. Duqeydii Garoowe soo maray waxay caan ku ahaayeen in ay todobaadka ugu horeeya ee ay xafiiska la wareegaan ay abaabulaan olole nadaafadeed oo socda muddo laba ama saddex maalmood ah oo loola jeedo istustus iyo in bulshada lagu indha sarcaadiyo. Wixii intaas ka danbeeya lama moodo in ilaalinta nadaafada magaalada ay tahay shaqadooda ugu horeysa uguna muhiimsan.

Halista Dabka ee La iska Eeganayo

Dab balaaran oo ka kacay kaalin shidaal oo kutaala Garoowe. [Isha Sawirka: Facebook]
30-kii bishii Janaayo ee sanadkan, dab xoogan oo ka kacay kaalin shidaal ayaa geystey khasaare nafeed iyo mid hanti, iyada oo ay todoba qof ku dhimatay aafadaas. Siciid Abshir Yuusuf oo ah cilmibaare ku takhasusay horumarinta bulshadda ayaa aaminsan in ay nasiib daro tahay in magaalada caasimadda Puntland ah aysan weli lahayn baabuur dab demis. “Runtii waxyaabaha la rabey in mar hore la sameeyo ayey ahayd waaxda dab demiska magaalada, balse waxaad moodaa in aanba loo arag mudnaan, aana laga hadlin jeer ay dhacdo masiibo dabku uu keenay,” ayuu yiri.

Muran Dhulka ee Dhimashada Keena

Labadii sanno ee u dambeeyey, ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday muranka ku saabsan dhulka gudaha Garoowe, sida ay hay’adaha ammaanku u sheegeen Puntland Mirror.

Xuseen Xaaji Yuusuf waa ganacsade, waxaa uu ku doodayaa in sababaha keena muranada dhulka ay qayb ka tahay fakhriga. “Muranka dhulka waxaa ugu weyn oo sababay waa dhaqaale xumo heysata bulshada kuwaasoo u arka in iibka dhulka ay dhaqaale ka sameyn karaan,” ayuu u sheegay Puntland Mirror. “Waxaa uu ku sii daray in damaaci ama waxa dadka deegaanku ay u yaqaaniin “ku qabso ku qadi meyside” uu dhiirigelin weyn u yahay muranka dhulka”.

Xuseen ayaa ku qeexay in dhibka ay qaybtiisa kale leedahay maamulka degmaddu. “Ma jirto siyaasad dhulka lagu maamulo haddii ay noqon lahayd jaangoyntiisa, bixintiisa,  ilaalintiisa iyo kala saarid hufan oo sharci iyo cadaalad ku dhisan  ah oo u degan dowladda hoose ee Garoowe,” ayuu yiri.

Cilmibaare Siciid Abshir Yuusuf ayaa ku daray  “Markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, dhammaan magaalooyinka dalka oo dhan oo ay ku jirto Garoowe waxaa meesha ka baxay waaxdii dhul bixinta ee dowladda hoose, marka dhulkii waxa uu si sharci daro ah gacanta ugu galay dad shacab ah, waxaana ka dhashay khilaaf uu dhiig ku daato,” ayuu yiri.

“Waxay ahayd in la helo gundhig iyo sharci lagu hago dhulka balse nasiib daro ma dhicin, oo waxaa lagu xaliyaa muranka dhulka hadda qaab xeer dhaqameed ah,” ayuu yiri Siciid Yuusuf.

Xuseen Xaaji ayaa aaminsan in xitaa muranka dhulka ee Garoowe uu gaaray dhul daaqsimeedkii ku dhawaa magaalada oo si sharci daro ah loo xirmeystay. “Tusaale dad ayaa xoog iyo dhaqaale u adeegsaday inay dooxooyinkii dhul daaqsimeedka ay xirtaan”, ayuu yiri Xuseen.

Garoowe ayaa  la aaminsan yahay in baaxadda kula tartami lahayd magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa balse xawliga ay ku dhismeyso waxaa caqabad ugu weyn ku noqotay dhulka oo qaali ah, sida uu sheegay Xuseen.

Maamul Xumo Maaliyadda

Kharashaadka dowladda hoose u soo xerooda ayaa wax badan ka qaban kara baahiyaha bulshada sida uu qabo cilmibaare Siciid Abshir Yuusuf. “Runtii dowladda hoose ee Garoowe waxaa u soo xerooda canshuuro badan oo ay ka hesho ilo kala duwan, laakiin si sax ah looma maamulo dhaqaalahaas oo waxay ku dambeeyaan musuqmaasuq, sidoo kale ma ay laha qorshe miisaaniyadeed oo ramsi ah,” ayuu yiri Siciid.

“Waxaan is leeyahay haddii lacagta canshuurta ah ee soo gasha dowladda hoose ee Garoowe si fiican loo maamuli lahaa, waxay awoodi lahayd in ay howlaheeda oo dhan ay si dhab ah u qabato,” ayuu yiri cilmibaaruhu.

Ma Miyi baa mise waa Magaalo

Koox riyo ah oo maraya waddo laami ah oo kutaala Garoowe. [Sawirka: Abdi Omar Bile/Puntland Mirror]
Garoowe waxaa buuxdhaafshey ariga oo taagan goob kasta. Arigu wuxuu fara ba’an ku hayaa dhireynta magaalada, wuxuuna qayb ka yahay nadaafad xumadda ka jjrta magaalada. Duqeydii soo maray midkoodna iskama xilsaarin in xoolahaas laga saaro magaalada.

Adeegyada kale ee bulsho oo dayacan

Duqyadii magaaladu midkoodna uma arag inuu mas’uul ka yahay adeegyada bulshada sida amaanka magaalada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontadda. Garoowe waxaa laga dhex cabaa shan nooc oo biyo ah oo midkoodna tayadooda, saxadooda iyo qiimahooda aan la ilaalineyn.

Isbitaalka keliya ee ay magaaladu leedahay wuxuu u jiraa magac ahaan, xanuunadda ugu fudud ayey la dhibaatoodaan bulshadu. Dadka dhaqaalaha haysta ee magaaladu waxay caafimaad u aadaan Hargeysa, Muqdishu ama dalalka Itoobiya, Kenya, Turkiga, Malayshiya iyo India.

Bulshada Garoowe waxay aad uga cabtaan korontada qaaliga ah, taasoo aad moodo in degmaddu aysan wax mas’uuliyad ah iska saarayn in wax laga qabto iyo la helo shirkado kala duwan oo ku tartami kara suuqa korontada.

Cabasho aan cidna dan ka lahayn

Bulshada ayaa aad uga cabta dhamaan dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay, laakiin ma jirto cid looga cabto ama wax ka qaban karta xil gudasho la’aanta, qorshe  iyo maamul xumada, musuqmaasuqa iyo eexashada lagu eedeeyo Duqa degmadda.  

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*