Guddoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya oo shaqada ka ceyrshay 18 garsoore oo ka howlgala maxkamadaha gobolka Banaadir

Sawirka: guddoomiyaha maxkamada sare Ibraahim Iidle Saleebaan.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya ayaa shaqada ka ceyrshay 18 garsoore oo ka howlgala maxkamadaha gobolka Banaadir iyo degmooyin hoos yimaada, sida ay ku warantay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho maanta oo Talaado ah.

Tilaabadaan uu qaaday guddoomiyaha maxkamada sare Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa la sheegay in loola jeedo sidii loo habayn lahaa nidaamka Garsoorka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*