Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo ku edeeyay DFS in ay qorsheynayso in ay ciidamo geyso gobolka

Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku edeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qorsheynayso in ay ciidamo geyso gobolkaas si ay u qabsadaan.

Wareysi uu siiyay warbaahinta maxaliga ah maanta oo Axad ah, Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay rabto sida ay ciidamada u geysay gobolka Gedo oo kale in ay ka samayso gobolka Mudug bisha soo socota.

“Waxaan la socdaa ciidamada ay Gedo geeyeen oo kale oo ay kula dagaalamayaan meelaha nabada ah oo ay qabsanayaan maamulada halkaas ka jira ciidan lamid ah in ay bisha saddexaad qorsheysantahay in ay keenaan, taasna waan uga digayaa, ma ahan sida ay moodeen xaalada, ma ahan meel ay iska soo geli karaan dhulkaani waxa uu ku socdaa ilaalo shacab,” ayuu guddoomiyuhu ku yiri wareysi uu siiyay mareegta maxaliga ah ee Puntland Post.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in dowladda Puntland aysan marna aqbali doonin tilaabo noocaas oo kale ah oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka gobolka.

Xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meel xun hadda maraya. Asbuucii la soo dhaafay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ay ku xadgudbayso nidaamka federaalka, waxaana uu ku baaqay shir-weyne wadatashi oo lagu qaban doono magaalada Garoowe bisha Maarso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*