Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay DFS in ay ku xadgudbayso nidaamka federaalka, shir wadatashina ugu yeeray xildhibaanada ka soo jeeda Puntland

Madaxweyne Deni oo ka hadlaya shirka jaraaid, Boosaaso, Febaraayo 7, 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku xadgudbayso nidaamka federaalka.

Isaga oo ka hadlayay shir jaaraaid magaalada Boosaaso galabta oo Jimce ah, Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaa nasiibdaro ah xukuumada hadda jirta ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaaminayo in ay la soo baxday saddex sanno oo ay jirtay in ay isku dayday in ay ka leexato dariiqii dadkan ku heshiiyay oo ay ugu horeyso in ay la dagaalanto nidaamka federaalaynta ah ee dalka oo ay dhammaan qawaaniintii iyo waxyaabihii u baahnaa in laga wadatashado ay hareer martay.”

Madaxweynaha ayaa ugu yeeray xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ee katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka soo qeybgalaan shir wadatashi oo ka dhici doona Garoowe 15-ka bisha soo socota ee Maarso.

Xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo xukuumada Farmaajo ayaa xumaa tan iyo xiligii xukuumadii hore ee madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali. Dhawaan Puntland ayaa gabi ahaanba ka soo horjeesatay sharciyada shidaalka iyo doorashooyinka oo ay meelmariyeen baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Khamiistii, Puntland ayaa xirtay xafiiska Guddiga Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku lahaayeen Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*