Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali oo geeriyooday

Feeryahankii caanka ahaa Muhammad Ali ayaa geeriyoodey habeenimadii xalay isaga o ah 74 sano jir. Sida ay qortey Warbahinta NBC. Geerida Muhammad Ali waxaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka qoyska Mohammad Ali.

Muhammad Ali ayaa geeriyoodey fiidnimadii Jimacada, waxaana uu ku geeriyoodey Isbitaal ku yaala magaalaa Phoenix ee gobolka Arizona dalka Maraykanka, halkaas oo lagu daweynaayey maalmihii u danbeeyey, kadib markii neeftu qabatey.

Mohammad Ali ayaa muddo dheer la noolaa cudurka Laleemada (Parkinson’s disease), kaas oo haleelay sanadki 1984, saddex sano kadib markii uu ka fariistey ciyaarta feedhka.

Mohammad Ali ayaa lagu tilmaamaa ciyaaryahanadii ugu weynaa ee soo mara taariikhda feedhka ama Isboortigaba.

Magaciisi hore ayaa ahaa Cassius Marcellus Clay, Jr, waxa uu ku dooday sanadihii 60aadkii in u yahay mid ka soo jeeda qoladii addoonsatey Awoowayaashiis, waxaana uu ku badalay Cassius X, sannadii 1964 ayuu ka mid noqdey Nation of Islaam, waxaana uu magiciisi u bedalay Mohammad Ali.

Mohammad Ali ayaa qaatey diinta Islaamka, oo ka soo gaartey saaxiibkii Elijah Muhammed, inkasta oo sanadkii 1975 uu si rasmi ah u fahmey diinta islaamka qaateyna madhabka Sunniga, ogaadeyna in diinta Islaamka loo siman yahay ee dadka madowga ah keliya aysan lahayn.

Ali waxaa si weyn loogu xasuustaa sidii uu uga horyimid dagaalkii Maraykanku ku qaadey Vietnam, oo xabsi u galay.

Ali ayaa lagu aasayaa magaaladii uu ku dhashey Louisville gobolka Kentucky dalka Maraykanka.

Xogta Ali

Magaca: Muhammad Ali
Dhashey : 17 Janaayo 1942 i Louisville, Kentucky, USA.
Geeriyoodey: 3 juun 2016.
Qoyska: 9 caruur ah oo afar xaas kala dhaleen.
Feedhka uu ciyaarey: 56 guul (37 knockout ah), 5 laga badiyey.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*