Erdogan oo marka kale loo doortay madaxweynaha Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan oo la hadlaya taageerayaashiisa ku sugan Istanbul, Turkey, June 24, 2018. [Xigashada Sawirka: Reuters]

Ankara-(Puntland Mirror) Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay shan sanno oo cusub ee madaxtinimada Turkiga.

Sadi Guven, oo ah madaxa doorashooyinka ayaa sheegay in madaxweynuhu helay codadkii ugu badnaa ee loo baahnaa.

Erdogan ayaa helay 53% codadka la tiriyay ee 99%, halka ninka ugu dhawaa ee la tartamayay ee Muharrem Ince uu helay 31%.

Erdogan ayaa ahaa raysulwasaare muddo 11 sanno ah kahor inta uusan noqon madaxweyne 2014. Dastuurka cusub, ayaa u ogolaanaya in uu mar saddexaad tartamo marka uu dhammaado shantan sanno ee hadda la doortay oo ku eg 2023, taasoo ka dhigaysa in uu awooda ku sii jiro karo ilaa 2028.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*