Erdogan oo ka codsaday Kurdiyiinta in ay joojiyaan aftida madax-banaanida

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xigashada Sawirka: Bloomberg]
New York-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay oo Arbaco ahayd ku celiyay jeedintiisa ku saabsan Maamul Goboleedka Kurdishka si ay uga noqdaan go’aankooda ah in ay qabtaan afti madax-banaani.

“Waxaan rajayn in ay ka noqdaan go’aankan khaldan ayna sii wadaan in ay yihiin Dowlad Goboleedka Kurdish,” Erdogan ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu gudaha New York ku siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu ku jawaabi doono cunaqabatayno haddii aftida ay dhacdo asbuuca soo socda.

Gobolada ay maamulaan Maamul Goboleedka Kurdiyiinta ayaa qorshaysan in 25 September ay qabtaan codayn ku aadan in ay ka baxaan dalka Ciraaq.

Gobolka saliida qaniga ku ah ee Kirkuk ayaa kamid ah deegaanada lagu tartamayo halkaas oo la qorsheeyay in ay cod-bixinadu ka dhacaan.

Horaantii asbuucaan, Turkiga ayaa dhoolatus milatari ka bilaabay xadka ay la wadaagaan Ciraaq.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*