Duqeyn uu Mareykanku qaaday oo labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabab ku dishay gobolka Shabeellaha Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqeyn uu Mareykanku qaaday ayaa labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabab ku dishay gudaha Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Khamiistii ka dhacday deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shbeellaha Hoose, sida maanta oo Jimce ah ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika.

Hal gaari ayaa sidoo kale lagu burburshay duqeynta, sida bayaanka lagu sii sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*